Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Gen, Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho, Boqor Cabdullahi Geesi Shadoor iyo masuuliyiin kale ayaa ku baxay lab beelood oo dhawaan dagaal uu ku dhexmaray Deegaanka Caddoow uul ee Gobalka Shabeellaha dhaxe,.
Mas’uuliyiinta ayaa kulan la yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac,waxaana ay ugu baaqeen in xalaada la dajiyo oo aysan soo laaban xurgufta Dagaal ee dhacday.
Sidoo kale Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ayaa la geeyay halka ay Shaqaaqada ka dhacay, kuwaas oo xaqiijinaya amniga, waxaana lagu amray inay tallaabo ka qaadaan qofkii carqaladeeya howlaha amniga.
Degmada Cadalle iyo degaannada hoostagaga ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo katirsan kuwa Millateriga, kuwaas oo loo diyaariyay inay dhawaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyaan Gobolka Shabeellaha Dhexe.