Home Afsomali Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kusoo wajahan Magaalada Baladweyne

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kusoo wajahan Magaalada Baladweyne

Wafdi Balaaran ee uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi bare ayaa lagu wadaa in manta uu soo gaaro Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. waxaana magaalada ka socoto qaban qaabadii ugu dambeesay soo dhaweeynta Ra’isul wasaaraha.

 

Ciidamo farabadan ayaa la dhigay wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Baladweyne kuwaas oo si weyn amaanka Magaalada u sugayo. Baladweyne waxaa ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf axmed Hagar iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada.

 

waa Safarkii labaad ee Ra’isul wasaaraha Soomaliya kusoo gaaro Magaalada Baladweyne tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya xasan shiikh maxamuud u magacaabay xilkan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.