Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Hamza Abdi Barre ayaa soo indhaindheeyey xarunta...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Hamza Abdi Barre ayaa soo indhaindheeyey xarunta laga maamulo khadadka internet-ka

https://youtu.be/fpOrCMmlZaE

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Hamza Abdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta booqday xarunta isgaarsiinta dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii kormeerka ay ku jireen la tusiyay xarunta laga maamulo khadadka internet-ka  Jabuuti ee mara badda iyo qeybaha kala duwan ee ay xaruntu ka kooban tahay.

Mudane Xamse ayaa ku ammaanay hey’adda iyo maamulkeeda horumarka joogtada ah ee lagu wado isgaarsiinta dalka Jabuuti, waxa uuna sheegay khadka internetka badda uu muhiimad badan u leeyahay geeska Afrika.

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeero ku tagay xarumo ay leedahay dowladda Jabuuti lana kulmay madaxda sare ee dalkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.