Home Afsomali Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadii Laga Keenay Eritrea Oo Jubaland La Geynayo

Cutubyo Ka Tirsan Ciidamadii Laga Keenay Eritrea Oo Jubaland La Geynayo

Cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la filayaa in la geeyo Jubaland, si ay kaalin uga qaataan howlgalka Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi.

Sida xogaha ay cadeynayaan, go’aankan ayaa qalinka lagu duugay kadib heshiis laba geesood ahaa oo dhexmaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo fadhiga heshiiskan uu joogay ra’iisul wasaare Xamze oo deegaankaasi ka soo jeeda.

Haatan dalka waxaa dib loogu soo celiyay ilaa 500 askari oo kamid ah ciidamadda lagu soo tababaray dalkaasi, waxaana lagu wadaa in dhamaadka bishan la soo wada celiyo, sida uu hore u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano badan ka heysata maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waana maamulka kaliya ay Shabaab ka heystaan gobol dhan waana gobolka Jubbada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.