Home Afsomali Dowlada Talyaaniga oo Soomaaliya ugu deeqday Gaadiid loogu talo galay sugida Amniga

Dowlada Talyaaniga oo Soomaaliya ugu deeqday Gaadiid loogu talo galay sugida Amniga

Wasiiru Dowlaha Amniga iyo Taliyaha Booliiska ayaa Ka Qeyb galay Munaasabad Safaaradda Talyaanigu ku Wareejisay Gaadiid dowladda Talyaanigu ugu deeqday Ciidamada Boliiska JFS.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin oo ka hadlay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Ciidanka Boliiska.

Safiirka Talyaaniga Roberto Vechi ayaa sheegay inuu Talyaanigu taageerayo codsiga madaxweynaha Jamhuuriyaddu ujeediyay Madaxda Talyaaniga si ay gacan uga geystaan howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.

Wasiir Dowlaha Amniga XFS
Maxamed Cali Xagaa, ayaa ka mahadceliyay taageerada iyo Garab istaagga dowladda Talyaanigu siiso Ciidamada Amniga JFS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.