Home Afsomali Shuruudo cusub oo lagu xiray dal kuyaalla Yurub si uu ugu biiro...

Shuruudo cusub oo lagu xiray dal kuyaalla Yurub si uu ugu biiro NATO iyo Midowga Yurub

 

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u jooga Galbeedka Balkans ayaa sheegay Arbacadii, in looga baahan yahay Kosovo inay madaxbanaani dheeraada siiso deegaanada ay ku badan yihiin Seerbiyiinta ee ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, haddii ay rabaan inay u sii dhowaadaan ku biiritaanka isbahaysiga NATO iyo Midawga Yurub.

Rabshado ayaa ka dillaacay deegaanada ay ku badan yihiin Serbiyiintu, ka dib markii ay xukuumadda Kosovo ay xafiisyo ku yaalla deegaankaas ay xilka ku wareejisay maayaro ka soo jeeda dadka Albania, ka dib markii lagu doortay doorasho ka dhacday deegaankaas bishii April, hase ahaatee arrintaas waxaa aad uga cadhooday dadka Seerbiyaanka ah oo isu arka inay yihiin dadka u badan dhinaca woqooyi ee dalkaas.

Ergeyga Maraykanka Gabriel Escobar ayaa ku booriyey Kosovo inay kala baxdo ciidamadeeda iyo maayarada la doortay, deegaanada ay ku badan yihiin Seerbiyiintu, si hoos loogu dhigo xiisadda, isla markaana la qabto doorasho ay ka qaybgalaan Serbiyiinta.

Madaxweynaha Kosovo oo waraysi siiyey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dalkeedu uu doorashooyin ka qabanayo deegaanada ay Seerbiyiintu ku badan yihiin, haddii 20% oo ka mida codbixiyayaashu ay sameeyaan codsi ay ku dalbanayaan in doorasho la qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.