Xildhibaan Maxamed Xasan Ibrahim Qoono oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu soo dhaweeyay Wasiirada Cusub ee uu soo Magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Maxamed Xasan Ibrahim Qoono ayaa ku tilmaamay Golaha Cusub ee la soo magacaabay kuwa tayo leh oo wax ka qaban kara xaalada adag ee dalku uu ku jiro.
Mr. Qoono ayaa hoosta ka xariiqay in Golaha Cusub ay ku badan yihiin dhalinyaro, kuwaasi oo laga filayo in ay wax badan ka badalaan xaalada dalku ku sugan yahay.
Waxaa uu xildhibaanku sheegay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aysan waqti badan ku qadan soo magacaabida Golaha Wasiirada, islamarkaaana uu soo dhisay golo wasiiro ay shacabku ku qanci karaan.
Xildhibaan Maxamed Xasan Ibrahim Qoono ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya in ay ansaxiyaan Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliya.
“Waxaan soo dhaweynayaa Wasiirada cusub ee uu magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, run ahaatii waa xubno tayo leh, dhalin yarana u badan, waxaan rajeynayaa in ay dalka wax u qabtaan. Waxaan kaloo barlamaanka ugu baaqayaa in ay codka kalsoonida siiyaan golahan, madaama dalku ku jiro xaalado adag”. Sidaasi waxaa yiri Xidlhibaan Qoono.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyere ayaa Talaadadii soo magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban 68 xubin oo isugu jira, Ra’iisul wasaare kuxigeen, 26 wasiir, 26 wasiir kuxigeen iyo 15 wasiiru dowle.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0