Home Afsomali VIDEO Fuustooyinka sunta haraadiga laga farsameeyo Nukliyeerka ah oo ku soo ceeriyey...

VIDEO Fuustooyinka sunta haraadiga laga farsameeyo Nukliyeerka ah oo ku soo ceeriyey xeebaha dalka qaarkood

Tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhaxe ee somaliya ayaa waxaa marba marka ka danbeysa soo baxayey in xeebaha dalka qaarkood lagu aaso waxyaabaha ka hara qalabka warshadaha lagu farsameeyo waxaana ku jira sida ay qabaan dad badan suntan haraadiga ee nugliyeerka .

Tan iyo xiligaas waxaa lagu arkayey xeebaha dalka qaarkood fuustooyin ku soo ceeriyey oo afkoodu xiran yahay kuwaas oo si sax ah loo ogeyn waxa ku jira in kasta oo dareen foojigan laga qabo

Hadaba kuwii ugu danbeeyey ayaa lagu arkay Magaalo Xeebeedka Berbera ayaa waxa ay Sheegyan in lagu arkay Fuustooyin ama haamo ay ku jiraan Sun farabadan taas oo Badda ay soo tuftay.

Fuustooyinkaan oo aan la ogeyn halka ay ka keentay Badda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan Sunta NUCLEARKA, sida ay sheegayaan dad Goob joogayaal ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Somaaliland ayaa Goobta ku sugan kuwaas oo baaraya waxa ay tahay Suntaan.

Shirkadda Imaaraadka ee gacanta ku haysa dekadda Berbera ayaanan war kasoo saarin arintan, waxaase laga digayaa in caafimaad daro xoogan ay kusoo wajahan tahay dadka deegaanka kadib dhacdadaan cusub.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.