Home Afsomali Dhageyso Alshabaab oo sheegay tirda ciidan ee ay Dalaalkii Af-urur ku dileen...

Dhageyso Alshabaab oo sheegay tirda ciidan ee ay Dalaalkii Af-urur ku dileen iyo gaadiidka ay qabsadeen Dowlada Puntland

Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka af urur oo sanado ka hor laga saaray xooga-ga Al-shabaab.

Dagaalkan oo aan khasaarihiisa si rasmi ah loo ogaan karin ayaa la sheegay in uu hadda si goos goos ah uga socdo deegaanka ,waxaana goobta uu ka dhacay lagu magacaabaa Af urur waana deegaan kayn ah oo ay timirtu ka badan-tahay.

Taliyaha  Guud ee ciidamada Puntland  Gen. Siciid dheere iyo saraakiil ciidan oo uu hogaaminayo ayaa la sheegay in ay gaareen goobta si ciidamo dheeraad ah loogu kordhiyo ciidamada dagaalka ku jira.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in 50 meeyo qof oo labada dhinac ka kala tirsan ay dagaalkan ku geeriyoodeen ,kaasi oo socday muddo dhowr saacadood ah ,xiligii saxuurta kadib sida ay sheegayaan xogo hoose oo laga helay goobta dagaalka.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa 10 km u jirta deegaanka Ceel-daahir oo 90 km u jirta magaalada Bosasoo ee xarunta gobolka Bari ,waxaana dagaalkan uu noqonaya kii ugu horeeyay oo labada dhinac dhex-mara tan iyo markii la galay bisha barakaysan ee Ramadan.

Saraakiisha ku dhintay Weerarka ayaa kala ah;

Kornayl Shire Cumar Cali.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Saalax Jaamac Tusbaxle.

Gashaanle Dhexe Warsame Muuse Axmed Sangale.

Saraakiishan ayaa ka kaso kala jeeda magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Badhan.

Waxay ahaayen saddex Sarkaal oo caan ah, kuwaas oo ciidanka muddo la shaqaynayay.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 61 qof Waxaa dagaalku uu ahaa dagaalkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gudaha Puntland.

,Puntland ayaa dagaal adag kala kulmaysa  Al-shabaab iyo Daacish oo fariisimo ku leh gobolka , xili dhawaanahan ay socdeeen howl-galo ka dhan ah  kooxahaas oo laga fulinyay deegaanada Puntland.

Sarakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa ku dhintay dagaalkii ay maanta Kooxda Shabaab ku qaadeen ciidanka Puntland.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.