Home Afsomali Xmar weyne Guri ka kooban seddax dabaq oo ku soo dumay...

Xmar weyne Guri ka kooban seddax dabaq oo ku soo dumay dadkii deganaa

Guri Dabaq ahaa oo ku yaallay degmada Xamar-weyne, isla markaana ka koobnaa seddax biyaano ayaa soo dumay.

Gurigaas ayaa ku yiilay dhabarka dambe ee qeybta dahabka looga iibiyo suuqa Xamarweyne oo u dhaw masaajidka Marwaas.

Sida ay KNN u sheegeen dad goobjoogayaal ah guriga dumay oo ahaa mid qadiimiya waxaa deganaa qoysas badan, waxaana lasoo badbaadiyey dadkii uga noolaa qeybaha sare, halka qeybaha hoose ay weli dadkii ku hoos jiraan.

Sidoo kale waxaa kacay dab ka dhashay koronto, waxaana socda gurmad lagu soo saarayo dadka ku hoos jira dhismaha dumay ee Dabaqa.

Wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobta waxay sheegayaan in weli dhismaha ay ku hoos jiraan haweeney da’ah iyo caruur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.