Home Afsomali Aqriso wixii ku qoraa waraaqo la sheegay in diyaarado ay ku daadiyeen...

Aqriso wixii ku qoraa waraaqo la sheegay in diyaarado ay ku daadiyeen deegaano ka trsan Koofurta soomaaliya

Wararka ka imanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad aan la garanayn cidda iska leh ay waraaqo ku dul daadisay magaalada Jilib ee uu ka taliyo  Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararkan oo aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in waraaqahaas la daadiyey ay ku qornayd farriin ugu baaqaysa  Al-Shabab inay ka faa’iidaystaan cafiskii uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ugu baaqay xubnaha ku jira Al-Shabaab inay kaga soo baxaan  muddo 60 maalmood ah.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in hawlgallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka dhaceen Gobolka saacadihii lasoo dhaafay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.