Baaq looga digayo Hogaanka in dekadda bossaaso ku wareejin Shirkada Imaraadka ee DPWorld
KU: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Soomaaliya
OG: Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaalia
OG: Wasiirka Koowaad Dawlad Federaalka Soomaaliya
BAAQ: DIGNIIN COLAAD KA ALOOSANTA MAGAALADA BOOSAASO
KUNA FAAFTA PUNTLAND OO DHAN
Bismillahi Raxmani Raxiim,
Anagoo ah Guddiga Odayaasha iyo Aqoonyahanada Reer Bosaso waxaan qoraalkan ku soo bandhigeyna arrimaha cawaaqib xumada keenikara oo ka dhashay heshiiska aan sharciga waafaqsanayn oo uu Maamul-Goboleedka Puntland la galay shirkad la yiraahdo P&O Ports/DP World.
Heshiisku wuxuu dhigayaa in Dekedda Boosaaso lagu wareejiyo Shirkadda P&O Ports muddo 30 sano ah iyo 5 sano oo dheeri ah haddii ay u baahdaan. Dekedda hadda jirta ayey dayactir ku samaynayaan, kharaska ku baxayana waxaa la sheegay inuu dhan yahay $336 million oo doollarka Mareykanka ah. Qorshaha Barnaamijka waxaa ku jira in la dumiyo xaafadda qadiimiga ah ee magaalada Boosaaso ka aasaasantay oo ah guryo taariikhi ah iyo dhul si gaar ah loo leeyahay. (privately owned buildings and land)
Heshiiska waxaa ku qoran in Bixiyuhu (Dawlad-goboleedka Somaliyeed ee Puntland) warqad diidma-la’aan ah (non-objection) ka keeno Dowladda Dhexe ee Soomaalia.
Madaxweynaha Puntland waxa aan u sheegnay in dhulka taariikhiga ah oo la duminayo si gaar ah loo leeyahay iyo in Dekedda Bosaso tahay hanti uu leeyahay shacabka Somaliyeed. Waxa aannu u soo jeedinay in uu soo bandhigo Naqshadda (Port Planning, Design and Construction) iyo Heshiiska Asalka (Original Copy of the Agreement) uu la soo galay Sharikadda P&O Ports. Waxa uu noogu jawaabay sida soo socota:
1. Wuxuu Diiday in uu nagala hadlo ummuurtan gebi ahaanba.
2. Magaaladii Bosaso wuxuu soo dhoobay ciidamo badan oo u badan ciidanka Imaaradku maamulan (Saracen). Taasi wexey keentay xasilooni darro baahsan oo abuurtay in shacbigu dareemo cabsi iyo saansaan colaadeed.
3. Wuxuu ku amray ciidanka in ay hawlgal hubka dhigis ah ku sameeyaan dadweynaha Reer Boosaaso. Iyagoo amarkaasi fulinayana, waxa ay ciidamadu Bakharro badan oo ganacsi ka qaateen hubkii ay hantidooda tuugada iskaga celinayeen iyo raashin iyo lacag.
Saddexda qodob oo kor xusan waxa ay sababeen in:
a) In shacabka deggan Bosaso ay ugu muuqatay in Maxadweynu raalli ka yahay in ciidamada ay bililiqaystaan ama boobaan hantida shacabka isla markaana ay bahdilaan dadka sharafta leh ee Reer Boosaasoodka ah.
b) In hub-uruursi ka bilowdo magaalda Bosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha Puntland, magaaladii Soomaali oo dhan nabad iyo gacmo furan ku soo dhoweysey.
Haddaba anagoo ka xun sida wax u socdaan, waxaan madaxweynaha u sheegeynaa / ka dalbanayaan in:
1- Dekedda Bosaaso iyo Puntlandba aysan beec ahayn, heshiiska wareejintuna (concession agreement) yahay waxba-kama-jiraan. Sababtoo ah:
(a) Baarlamaanka Puntland laaluush buu ku ansixiyey iyagoo aan arag/la tusin waxa ku qoran heshiiska ASALKA ah.
(b) Dawladda dhexe ee Soomaaliya ma ansixin barnaamijkan la wareegidda Dekedda Bosaso oo ah hanti shacabka Somaliyeed, mas’uuliyadna ka saarantahay badbaadinteeda.
(c) Dadka degaanka leh laga lama tashan, wexey idaacadaha iyo Internetyada ka maqleen Dekeddii iyo Dhulkii Taariikhiga ahaaba in lagu wareejiyey shirkad shisheeye.
2- In P&O World aysan wax shaqo ah ka bilaabi karin goobta mashruuca ilaa inta xal loo helayo khilaafka ka taagan Heshiiska.
3- In Degdeg Madaxweynuhu hubkii ay ganacsatadu ku ilaashanayeen bakhaaradooda iyo hantidii laga bililiqaystay u soo celiyo maadaama uu isagu arrintaasi mas’uul ka yahay.
GABAGABO
Waxaan Reer Puntland iyo Soomaali weyn oo dhan u sheegeynaa in aanan ka horjeedin dalka horumarkiisa haseyeeshee aanan yeeli karin in heshiisyo aan sharciga waafaqsanayn oo danta dalka iyo dadka ku jirin lala soo galo shirkado shisheeye. Waxaan qabnaa:
(a) In heshiiska wareejinta / kiraynta Dekedda Boosaaso la joojiyo;
(b) In mustaqbalka heshiisyada mashaariicda horumarineed noqdaan kuwo
muuqda oo ka maran mugdi iyo laaluush.
WAAD MAHADSANTIHIIN – WA BILLAAHI TAWFIIQ.