Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Xariga Odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.
Nabadoon Sacar Xirsi Nuur oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Saxaafada lahadlay ayaa sheegay in xariga Odayaashaasi ay ka dambeysay kadib markii Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dil ugu geystay Magaalada Baladweyne Askari kale Odayaashana lagu amray Askariga dilka geystay oo ay isku heyb yihiin in ay keenaan iyaguna ay sheegeen in ay ku adagtahay arrintaas maadaama aysan garaneyn meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Hadaba arrintaan Xariga Odayaal dhaqameedkaasi loogu geystay Magaalada Baladweyne ayaa si weyn looga hadal haayaa Magaaladaasi.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0