Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi ka dhaceen banaanbaxyo ay dhigayaan Shacabka ku nool Magaaladaas.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa waxa ay ka cabanayaan in wax laga qabto mid ka mid ah dadka degmada Afgooye oo ay ciidamada Amisom dhawaan dhaawaceen basle dhaawacaasi u geeriyooday sida ay sheegeen dadka banaanbaxa dhigayay.
Dadka isu soo baxay ayaa ku qeylinayey ereyo ka dhan ciidamada AMISOM oo ay ku eedeeyeen iney si gardaro rasaas ugu fureen ninkaas madaxa looga jiray, waxayna ka dalbadeen dowlada Soomaaliya iney iney arintan wax ka qabato.
Ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyaa mararka qaarkood iney dileen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, taasoo sabab u noqota in dadku ay ka caroodaan.
Mid ka mid ah dadka banaanbaxa dhigaya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan Goobihii Ganacsi ee Magaalada Afgooye ay xireen, isla markaana ay ka cabanayaan dilka ay ciidamada Burundi u geesteen ninkaasi Reer Afgooyaha ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu socon doono ilaa iyo hada laga jawaabayo cabashadooda, haatana uu weli banaanbaxu socdo.
Sidoo kale waxa aan weeydiinay Su’aal aheyd in arrintaan iyo banaanbaxa ay dhigaan in uu soo farageliyay Maamulka degmada Afgooye, waxa uuna sheegay in ilaa iyo hada aysan jirin cid la hadashay oo ka tirsan Maamulka degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goobjoogaha