Maareeyihii garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa xaaskiisii oo xaamilo aheyd ku dilay magaaladaas
Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar Ibraahin Maxamed Cal )Ayaa Xalay dilay xaaskiisa oo Xaamilo aheyd.
Maareeyaha iyo Xaaskiisa ayaa la sheegay inuu muran soo kala dhex galay, taasna ay sababtay inuu dilo Xaaskiisa
Xaaska geeriyootay ayaa lagu magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahin, waxaana dilkeeda xaqiijiyay qaar ka mid ah ehelada Marxuumada dilka loo gaystay isla Xalay
Booliska Magaalada Jowhar ayaa gacanta ku soo dhigay Maareeyaha dilay xaaskiisa, wuxuuna hadda ku xiran yahay Saldhiga Magaalada Jowhar Ee Caasimada Hirshabelle ……