Home Afsomali Ciidamada Macawiisleyda oo la wareegay degaanka Buurweyn oo katirsan G/Hiiraan

Ciidamada Macawiisleyda oo la wareegay degaanka Buurweyn oo katirsan G/Hiiraan

kamid ah Ciidamada dib u xoreynta Gobolka Hiiraan ee Macawiisleyda ayaa saaka waxaa ay howlgal kula wareegeen degaanka Buurweyn oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaal kooban uu dhexmaray Ciidamada Macawiisleyda ah iyo Al-Shabaab kadib markii Ciidamada Macawiisleyda ay weerareen degaanka Buurweyn ee Gobolka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa ku warramaya in inta badan xaafadaha degaanka Buurweyn lagu arkayo Ciidamada Macawiisleyda oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo Amni xaqiijin ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan abaabulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka waday Gudoomiyihii hore ee degmadaas Feysal Haajir Aadan,waxaana wararka la helay ay sheegayaan inay jiraan khasaaro ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Buurweyn.

https://youtu.be/ObyJ_voVf1k

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.