Home Afsomali Dab Xoogan oo goordhaweyd Qabsaday Suuq Qadiimi ah oo ku yaal Magaalada...

Dab Xoogan oo goordhaweyd Qabsaday Suuq Qadiimi ah oo ku yaal Magaalada Muqdisho

Dab aad u xooggan ayaa goor dhow waxaa uu ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Buulo xuubey oo ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dabkan cagta mariyey dhismeyaal ku yaalla suuqaasi oo si daran u ololaya, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku sii fido qeybaha kale ee suuqa iyo degaanada ku xeeran.

Gaadiidka dab demiska Shrikadaha qaarkood  ayaa dhawaqooda laga maqlayey wadada Maka Al-Mukarama iyagoo ku sii jeedda suuqa gubanaya si ay uga qeyb qaataan demintiisa.

Dadweyne fara badan iyo ganacsato suuqaasi dukaamo iyo Bakhaaro ku leh ayaa la soo sheegayaa iney soo buuxiyeen agagaarka Suuqa, lamana oga illaa hadda sababta kicisay dabkan.

Suuqaan ayaa shaqeynayey xiligii dowladii dhexe ka hor waxaana ka dhisan dhismooyin Cooshado ah iyo daaro waaweyn

Wixiii ka soo kordha dabkan kala soco wararkeena soo socda Insha Allaah.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.