Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Miino kula qaraxday degaan kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.
Gaariga oo ahaa nooca Soomalida u taqaano HOMEYDA ayaa miinada nooca dhulka ah qabsatay xilli uu marayay degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka Kismaayo.
Warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi miino ay ku dhinteen intooda badan dadkii Shacabka ahaa ee Gaariga saarnaa kuwo kalena ay ku dhaawameen, kuwaas oo la geeyay Magaalada Kismaayo.
Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku eedeeyay in falkaasi qaraa ah ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen in miinada ay goobta ku Aaseen.
Dhowr jeer oo hore ayaa waddooyinka kuyaalla degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa qaraxyo lagula eegtay Ciidamo katirsan kuwa Kenya ee AMISOM iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, sidoo kalena ay miino kula qaraxday Gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.