Home Afsomali Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee kamid ah AMISOM ku leeyihiin degaanka Hoosingow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaanka Hoosingoow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, kaas oo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda degaanka  Hoosingoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana degaankaas uu kamid yahay goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya lagana ilaaliyo degmada Badhaadhe oo kamid ah degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose

Previous articleNinkii wadnaha doofaarka lagu rakibay oo geeriyooday
Next articleSomaliland Sheikh caan ka ahaa oo gurigiisa lagala baxay isaga iyo qoyskiisii ayaa la la.yahay meel lala aaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.