- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.
Kulanka ayaa looga hadlay dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee gobolka Sool .
Madaxweyne Deni iyo Catriona Liang ayaa sidoo kale kulanka ay ku yeesheen Garowe kaga hadleen arrimaha la xiriira doorashooyinka Puntland iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.
Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.