Home Afsomali DFS Oo Ka Hadashay Shaqsiyaadkii Soomaalida Ee Mareykanku Cunaqabateynta Kusoo Rogay

DFS Oo Ka Hadashay Shaqsiyaadkii Soomaalida Ee Mareykanku Cunaqabateynta Kusoo Rogay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka  cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera Al Shabaab.

Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la farayaa inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta.

Tallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayaa ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagula dagaalamayo AL-Shabaab.

Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa AL-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.