Home Afsomali Dhageyso Axmed madoobe Shirka Kismaayo somalida Abshir ayuu uu yahay

Dhageyso Axmed madoobe Shirka Kismaayo somalida Abshir ayuu uu yahay

Magaalada Kismaayo waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo la xiriirka Shirka Hogaamiyayaasha Dowlada Goboleedyada oo Axada lagu wado in uu ka furmo Magaladaasi waxaana Kismaayo gaaray Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada qaarkood.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo shirkaas martigelinaya ayaa sheegay in shirkaas uusan aheyn mid dad dano gaar ah leh ay ka qeybgalayaan.

Waxa u sheegay in uu noqon doono mid looga hadlayo danaha Shacabka Soomaaliyeed isla markaana dadka la doonayo in ay ka warsugaan waxyaabihii ka soo baxa.

Kismaayo waxa haatan ku sugan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Axmed Madoobe balse waxaa weli tegin hoggaamiyaasha Maamulada kale sida Hir-Shabeelle, Puntland iyo Galmudug.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.