Home Afsomali Dhageyso Ciidamada Ethiopia oo ku sii Jeeda deegaanka Leego oo ay Horey...

Dhageyso Ciidamada Ethiopia oo ku sii Jeeda deegaanka Leego oo ay Horey Uga baxeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa AIMISOM

Deegaanada Setion 1 waxaa ka howlgala Ugaanka waa Gobolka banaadir iyo hareerihiisa

saction 2 waxaa ka howlgala Brundi Waa Gobolka Sh/dhaxe

Section 3 waxaa ka howlgala Ethiopia waa Bay Bakool iyo gado

Section 4  waxaa ka howlgala Kenya waa gobolada Jubbooyinka

Section 5 Waxaa ka howlgal Ciidanka Djabouti waa Gobolka Hiiraan

Cabdi Aadan oo ka mid ah Saraakiishi horay uga soo baxay Degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Saxaafada  ayaa sheegay in Degaanka Leego ay ku soo wajahan yihiin Ciidamo Itoobiya,waxana uuna inta uu ku daray in Ciidamada Dowlada ay ku sugan yihiin Degmada Walaweyn kuwaas oo sida uu Carabka uu ku dhuftay horay uga soo baxay Degaanka Leego,Halkaas Xarun Muhiim ay ku lahayeen Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowlada.

Dhanka kale waxa uu beeniyay in Wararka sheegaya in Degaanka Golweyn ay Shabaab ay kala waregaan Ciidamada,waxa uu tilmaamay in Degaanka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada,Laakin waxa uu xusay in Dagaal uu ka dhacay Degaankas kaas oo sida uu tibaaxay dhexmaray Ciidamada Dowlada kuwa Al-Shabaab,islamarkaana Shabaab ay Khasaaro ay gaarsiyeen sida uuhadalka u dhigay.

Hoos ka Dhageyso

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.