Home Afsomali Dhageyso isu Habar wacashada Muuse Biixi iyo qardab iyo sheegashada guulaha Colaadeed...

Dhageyso isu Habar wacashada Muuse Biixi iyo qardab iyo sheegashada guulaha Colaadeed dagaalkii Puntland iyo somaliland o sii xoogeytay

Maamulka Puntland aya si kulul uga hadlay dagaalkii saakay arroortii ka bilaawday deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo kuw Soomaaliland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab,oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in ciidamada Soomaaliland ay saakay soo weerareen fariisimaha ciidamada Puntland ee degaanka Tukaraq,isla markana ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay Wasiir Qarjab,in dagaal kooban uu halkaasi ka dahcay balse ciidamada Puntland ay ku guuleysteen in ay jebiyaan Ciidamada Soomaaliland sida u hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey Munaasabada xuska 18 May oo Sanadkaan ay soo hormariyeen ayaa si kulul waxa uu uga hadlay dagaalkii saakay ee deegaanka tukaraq.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay soo weerareen 23 Jeer Saddexdii bilood ee ugu dambeysay balse ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay in dagaalkii saakay ay Soomaaliland ku dhiiratay in ay iska difaacdo,isaga oo sheegay in ay dhabar jebin doonaan sidii ay isaga difaaceen Maxamed Siyaad Barre oo kale sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa u cadeynayaa Shacabka Soomaaliland in Maanta aan gaarnay guulo waaweyn,hub farabadana aan ku furanay ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada Puntland ay weerar kusoo qaadeen Ciidamadda Somaliland ee ku sugan degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay dagaalka Saaka dib uga qarxay degaanka Tukaraq, waxaana uu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto tilaabo wax ku ool ah.

“Waxaan u sheegaynaa ragga saaka na soo weeraray in aan u dhigi doonno casharkii aanu u dhignay Afwayne oo aabbahood ahaa waxaan u sheegaynaa in aan u dhigi doono casharkii aanu u dhignay kuway wax moodayaan ee Moorgan iyo qayrkood”

qasaaruhu waa badan yahay mana muuqato cid ddoneysa iyo ay gacmaha ka laabato labada dhiunacba ciidamo dhul bahante ah ayaa u dagaalamaya acudkow ramaajiin ayaan habar caami ah ka maqlay 

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi xersi Cali Qarajab iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

Jamhuuriyada fadaraalka ee Somaliland Muuse Muxuu uga jeedaa hafyo hadal kuma jirto miyaa ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.