Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday gurmad ballaaran oo ay uga qeyb qaadanayaan gar gaarka dadkii ku wax yeeloobay musiibadii ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bishan oct 2017
Dr,Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah Sharciyaqaan Soomaaliyeed oo ku nool Wadankaasi isla markaana xubin ka ah gudiyada abaabulkaasi ayaa sheegay in gudigooda oo isku abaabulay magaalo magaalo ama degaan degaan ay bilaabeen dhaqaale uruurin,
Gurmadkooda waxaa uu sheegay in ey ku hagaajin doonaan maamulka gobalka banaadir oo ah uu hoos tago degaanka musiibadu ka dhacday isagoo si gaar ah ugu amaanay gudoomiyaha maamulka gobalka banaadir Taabid Cabdi Maxamad dadaalka dheeraadka ah ee masuuliyadu ku jirto ee uu ka muujiyay gurmadkii khasaarihii shacabkiisa ka soo gaaray qaraxii dhacay,
Halkan ka dhageyso codka oo dhameystiran