Dowlada maraykanka ayaa ku taageertay dowlada somaliya aduun lacageed oo dhan 64 malyuun oo Doolar taasi oo mareykanku u marsiiyey heyada useyd si wax looga qabto xaga waxbarashada dalka .
Shir arintaa looga hadlayey oo lagu qabtay gudaha xarunta xalane eee magaalada Muqdisho ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Waxbarashada, Qorsheynta iyo Maaliyadda Soomaaliya, halka dowladda Mareykankuna ay joogeen Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya iyo madax ka socotay Hay’ada USAID.
Safirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz iyo kaaliyaha dhinaca maamulka Afrika ee hay’adda USAID Linda Etim ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruucan muhiimadiisu ay tahay kobcinta waxbarshada jiilka Soomaaliyeed ayna ku baxayso 64 milyan oo dolar, iyadoo wajiga koowaad kan ugu horeeya oo ay ku baxayso 17 milyan oo doolar oo isla manta ay dhinacyadu kala saxiixdeen .
Wasiirka waxbararashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya C/qaadir Cabdi Xaashi ayaa sharaxad dheeri ah kabixiyey mashruucan Dowladda Mareykanka ay ku taageerayso waxbarashada Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Maaliyada Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa sheegay in hashiiskan uu horseedayo in dhalinyarada Soomaaliyeed ay heleyn waxbarasho lacag la’aan.
Ahmed Muse Hoosh liked this on Facebook.
Xabiibo Cali liked this on Facebook.
Jãmá Mõüßē Jmc Qørâh liked this on Facebook.