
Deegaanka lagu magacaabo Daniga Baaloow oo ku yaalada waddada xiriirisa degmada Afgooye iyo Balcad ayaa la sheegay in gaari nooca loo yaqaano Homeyda, ay niinadaas la qaraxday xili uu ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose
Gaariga ay saarnaayeen dadka shacab-ka ahaa ayaa la sheegay in miinadda ay la kacday islamarkaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dadkii saarnaa.
Ilaa Shan ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa ayaa la sheegay in ay dhinteen halka dhinaca kale ay jiraan dhaawacyo culus.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga oo ay la socdeen haween ka ganacsada Cowska xoolaha loo dhigo xiliyada jiilaalka ah kuwas oo intoodii badneyd dhinteen.
waxana la sheegay in uu ka yimid Tuulo lagu Magacaabo walamooy isla markaana ay saaranayen Haween ka Ganacsanaya Bukureey ama Bareey oo ka mid ah waxyaabaha la cuno ee ka baxa dhulka dhoobeyga ah.
Wariyaal ku sugan degmada Balcad ayaa waxa ay soo sheegayaan Gaarigaan uu ku soo jeeday degmada Balcad dhamaana dadkii saarnaa ay geeriyoodeen, oo uu jirkooda Go’go’ay marka laga reebo Lix qof oo Meydkooda la arkay.
Waxaa soconaya gurmad loo fidinayo dadka rayidka ah ee wax yeelladu ka soo gaartay qaraxa miino.
Halkaan ka dhageyso wareysiga