Home Afsomali Dib u dhac mar kale ku yimid doorashada Aqalka sare ee dalka

Dib u dhac mar kale ku yimid doorashada Aqalka sare ee dalka

doorashada-2016-dadka-mise--150x150

Doorashadii Aqalka sare oo la filayey in xiligan lagu dhawaaqo ayaa mar kale dib u dhacday

Guddiga doorashooyinka dadban wali kama hadlin arintaan , waxaana la sheegaya in ay jiraan sabababo badan oo geenay in uu dib u dhaco doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Sida uu qorshuhu ahaa waxaa lagu waday in lagu dhawaaqo xubnaha Aqalka SareĀ  25-ka Bisha September ee sanadkaan , waxaana la sheegaya in taasi aysan suurta gal ahayn oo uu dib u dhac ku yimid soo xulista iyo sidoo kale doorashada xubnaha Aqalka sare.

Caqabada ugu badan ayaa la sheegaya in ay ka taagan yihiin dhanka dhaqaalaha iyo sidoo kale xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe oo aan la heyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.