Diblomaasiyiinta dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalalka dibadda ayaa ku sugan magaalada muqdisho, kuwaasoo qeyb ka ahaa ololihii doorashada Madaxweynaha ee dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.
Diblomaasiyiintan oo isugu jira Safiir, Safiir kuxigeeno, iyo Qunsulo ayaa si hoose ah ula shaqeynayay Musharaxiinta qaar, oo ay qeyb ka ahaayeen ololahooda doorashada, iyagoo is qarinaya.
Hase ahaatee waxaa dad badan lama filaan ku noqotay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo inay garbihiisa ka soo muuqdeen Safiiro dhowr ah oo la sheegay inay horay saaxib u ahaayeen.
Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Kenya Amb. Jamaal Mohamed Xasan, Safiir kuxigeenka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka ahna Qunsulka Guud ee Safaaradda Washington Thaabit Mohamed Abdi iyo Siyaad Maxamuud Shire oo ah Qunsulka Safaaradda magaalada Jeddah ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo
Diblomaasiyiintan ayaa si hoose ah ula shaqeynayay Madaxweyne Farmaajo, intii uu ololaha ku jiray, waxaana loo arkaa iyaga iyo shaqsiyaad kale oo wali qarsoon inay qeyb libaax leh ka qaateen ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Wararka ayaa sheegaya in saddexdan diblomaasi ay haatan gacanta ku hayaan howlaha Madaxweyne Farmaaje ee xilligan kala guurka ah, gaar ahaan Safiir Jamaal ayaa ah ninka wada howsha munaasabada caleema saarka iyo xil wareejinta oo lagu wado in maalmaha soo socda ay dhacdo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulankii uu ka qeyb galay habeenkii la doortay ee isaga iyo Madaxweynihii hore ay la qaateen Taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo AMISOM, waxaa ninka ku wehliyay uu ahaa Thaabit Mohamed Abdi oo horay u soo noqday Agaasime kuxigeenkii Madaxtooyada ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa lagu wadaa in Thaabit loo magacaabo xilka Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia, sida ay xaqiijinayaan warar laga helay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.
Xubnaha safiiradan ayaa soo cidleeyay shaqooyinkooda, waxaana marka loo eego shaqadooda ay ku xadgubeen xeerka iyo sharciga diblomaasiyada caalamiga, maadaama ay olole doorasho ka qeyb qaateen.
Madaxweynaha cusub Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa lagu wadaa marka uu xafiiska la wareego inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare, kaasoo soo magacaabo Xukuumad cusub.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda olole xooggan oo xil doon ah, waxaana ku soo qul qulaya dad badan oo dibadaha ka imaanaya, kuwaasoo doonaya inay ka faa’ideystaan dowladda cusub ee la soo dhisi doono.