Home Afsomali Dowlada oo joojisay qaadka Muqdisho uga iman jiray Kenya inta lagu guda...

Dowlada oo joojisay qaadka Muqdisho uga iman jiray Kenya inta lagu guda jiro doorashooyinka

jaadka

Dawladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dhammaan duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya laga billaabo barito oo Talaado ah oo bisha September ay tahay 6 sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.

Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in ‘duruufo jira awgood’ ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ka yimaada Kenya isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Ujeedka qaadka loo joojiyey ayaa ah shir midowga Africa ugu furmayo Magaalada Muqdisho kaasi oo laga cabsi qabo iyo weeraro lagu bartilmaameydsado  waxaa kLE OO  loo maleynayaa in qaadka dowladu u joojisay dhanka doorashooyinka oo amaanka aad loo adkeeyey inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ee doorashooyin

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sido qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Tallaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga qaadka Kenya oo kol hore ka soo kabanayay saamaaynta go’aankii ay dawaladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiye maadama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.

3 COMMENTS

Leave a Reply to Dhayman Dumar Ina-Arbush Supernanny Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.