kulan ay yeesheen masuuliyinta wasaarada gaadiidka agaasimayaasha waxyaha maamulayaasha shirkadaha MOT ga ayaa lagu ogeysiiyey barnaamijka Dhaqan gelinta Mashruuca Tijaabada Bed-qabka Gaadiidka (Kalawato) (MOT)
waxaana looga wada hadlay Nabad gelyada Gaadiidka
Horumarinta iyo hagaajinta Gaadiidka nabad gelyada wadooyinka arintaan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay waa walaac caalami ah oo sii kordhaya taasoo saameyn mug leh ku samaysa bulshooyinka caalamka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waajibaadkeeda shaqo waxaa ka mid ah diyaarinta siyaasadaha iyo Shuruucda ku dhaqanka Gaadiidka Dalka.
Wasaaradu waxay faafinta rasmiga ah ku soo saartay Xeerka Dib u xaqiijinta Ku dhaqanka Gaadiidka dhulka, oo ku xusan sidii loo Xaqiijin lahaa Bed-qabka Gaadiidka dhulka.
Dayaca iyo Darxumada Gaadiidka Dalka
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa ay Daraasad ku samaysay una kuurgashay Dhibaatooyinka baaxada leh ee haysata Gaadiidka Dalka;
sida dayaca iyo dar xumada dhanka muuqaalka,
ku dhaqan la’aanta Shuruucda Gaadiidka Dalka,
Amni darida iyo Wado xumida haysata Guud ahaan Gaadiidka Dalka.
ka bood Bal Muuqaalada soo socda nala eega Natiijada MOTda iyo Xadeynta RarkaDhibaatada Rarka Xad Dhaafka
Marka Gaariga uu Tijaabada Badqabka uu maro
agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka Cali Gacal Gaabow oo shir jaraid ku qabtay xafiiskiisa ayaa warbaahinta uga warbixiyey
Hadii Barnaamijkan Badqabka Gaadiidka uu Hirgalo lana dhaqan galiyo Waxaa ka dhalan karo shan natiijo oo kala ah
Kobcinta Dhaqaalaha Isbedel Muuqaalka iyo Bedqabka Gaadiidka
Xaqiijinta Milkiyada Gaadiidka
Amniga Badbaadada Nafta iyo Maalkaba