Home Afsomali Full VIDEO Taliska Guud ee Bolice ka Somaliyeed ayaa lagu soo dhaweeyey...

Full VIDEO Taliska Guud ee Bolice ka Somaliyeed ayaa lagu soo dhaweeyey Taliyaha Ciidamada bolice ka dalka Djabouti

Korneyl Cabdulaahi Cabdi Faarax oo ah taliyaha ciidamada bolice ka dalka jabuuti oo safar shaqo ku jooga dalka ayaa booqday taliska guud ee ciidamada bolice ka waxaana halkaa uu kula kulmay saraakliil taliyaayaal saraakil xigeeno iyo dableyda ciidanka Bolice

Taliyaasha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan bambeyda ciidanka boliska oo halkaa ku soo bandhiga musiga astaanta qaranka iyo kuwo  wadani ah

Taliyaha ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay saraakiisha  iyo taliyayaasha ciidanka Bolice ka

Sidoo kale taliyaha ayaa ciidan dhawaan lagu soo tababaray dalka jabuuti ku booqday xarunta taliska guud wuxuuna kula dardaar in ay bulshada uga faaiideeyaan tababarkii ciidan iyo xirfadihii kala duwanaa ee ay soo barteen

Intaa ka dib shir jaraid oo ay si wada jir ah u qabteen taliyayashada ciidamada bolice ka ee somaliya Sareeye gaas  Bashiir Cabdi Maxamed iyo taliya bolice ka jabuuti Korneyl Cabdulaahi Cabdi Faarax  ayey kaga hadleen xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.