Home Afsomali Full VIDEO Nuxurka Khubooyinka  Axmed Madoobe iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ka jeediyeen...

Full VIDEO Nuxurka Khubooyinka  Axmed Madoobe iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi ka jeediyeen Xarunta  Aqalka Sare

https://youtu.be/-U6yLQinv7s

https://youtu.be/XpBNU-PwfBs

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland isagoo sheegay in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxtinimada ee Jubaland ay soo martay Xaalado kala duwan isla markana dagaal dhinacyo badan kadib hada ay Xaaladu soo hagaagayso.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in khilaafkii ka dhashay Doorashada xal laga gaaray isla markaana ay hada si wanaagsan wax ku socdaan waxaa uu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in Wali isagoo tixgalinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida Siyaasada uu dib u dhigay dhismaha golaha Xukuumada.

Arimaha Gobolka Gedo ayuu Madaxweynahu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in xal waara laga gaaro inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho iyadoo gacanta Jubaland lagu soo celinayo Gobolka taas oo uu xusay in ay fure u tahay in xal kama danbays ah laga gaaro khilaafka mudada dheer u dhexeeyay Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah.

Arimaha Doorashooyinka ayuu Madaxweynahu sheegay in shirarkii Dhuusomareeb ay dadaal badan ku bixiyeen sidii go’aano loo dhan yahay loo gaari lahaa balse balamahii shirkii Dhuusomareeb labo oo aan hirgalin iyo xaalado kala duwan oo is biirsaday ayna u tagin wajigii sadexaad ee shirkaas.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii xal kama danbays ah loo gaari lahaa isagoo si gaar ah uga mahad celiyay sida Aqalka Sare uu ugu istaagay in Siyaasada laga heshiiyo.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada maqan ayuu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii labada Aqal ee Baarlamaanka wada shaqayntooda looso celin lahaa.

Arimaha maqaamka Caasimada iyo matalaadeeda ayuu tilmaamay Madaxweynahu in ay u baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago iyadoo ay tahay shaqo laga gaabiyay sidoo kalana aan waxba laga qaban dib u eegista Dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.