https://youtu.be/B9UNC3evjIE
Meydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allah u naxariistee, Cali Mahdi Maxamed, oo arbacadii ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Kenya ka dib markii laga heley cudurka COVID-19 oo ay siday diyaarad qaas ah ayaa laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ay caga dhigtaan ee magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweynayaashii hore , ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo kii ka horeeyey guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka mas’uuliyiin iyo ehelada marxuumka ayaa salaadda janaazada kula dukaday meydka gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdule.
Meydka ayaa lagu aasay goob uu intii uu nolaa masaajid ka dhisay kana dardaarmay in lagu aaso