Home Afsomali Gaalo Soo Geliyow Waad Gaalowday

Gaalo Soo Geliyow Waad Gaalowday

 

 

 

يَاْجَاْلِبَ الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ

 

Gaalo Soo Geliyow

Waad Gaalowday

 

 

وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِنْكُمْ فَإنَّهُ مِنْهُمْ

المائدة / 51

 

Kitaabka Oo Kooban

 

بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ

والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ أجْمَعِيْنَ.

 

Kitaabkan waxaan kaga warami doonaa haddii Alle idmo mowduuca beryahan danbe sida xawliga ah ku socda ee loo yaqaan:

موالاة الكفار

Taa oo ah in gaalada la jeclaado, saaxiibo iyo xigtana laga dhigto, loogana hiiliyo dadka muslimiinta ah isla markaana gaashaan buur lala samaysto iyada oo lagu waxyeelaynayo dad muslimiin ah, mar walbana la fulinayo danaha gaarka ah ee ay gaaladu ka leeyihiin wadamada islaamka, hadday ahaan lahayd xag diin iyo xag aduunba.

 

Kadib markii ay gaaladu   ku fashilantay dagaalkii foolka-foolka ahaa ayay waxay qaadeen dariiq kale oo ah  in la adeegsado kuwo wax ma garato ah danna aan ka lahayn diin, dad iyo dalba. Taa oo u suurta gelisay inay kaga filnaadaan wixii dhibaato ahaa ee kasoo gaari jiray intii lakala soocnaa ee muslimiin iyo gaalo lakala ahaa. Horaana loo yiri: Gudiney Ima Goyseen Hadduusan Gabalkay Kugu Jirin.

Inta hawshaa is gaashaan buursiga baadilka ku dhisan lagu guda jirana wixii dhibaato ah ee dhimasho ama dhaawac ee shacabkaa muslimiinta ah soo gaarana laisma waydiiyo, haddiise dhanka gaaladu wax yar soo gaaraanna waa loo baroor diiqi warbaahinnadana waa lagu buun-buunin. Waana siduu shaacirku yiri:

قَتْلُ امْرئٍ فِيْ غَاْبَةٍ جَرِيْمَةٌ لاْ تُغْتَفَرْ

وَقَتْلُ شَعْبٍ بِأَكْمَلِهِ مَسْئَلَةٌ فِيْهَاْ نَظََرْ.

 

Hal qof oo lagu dilaa hawd (duur cidla ah) waa danbi wayn oo aan la dhaafi karin, dilse loo geystay shacab idaylkii waa arin ka fiirsasho leh.

 

Marka ugu horaysa haddii la waydiiyo kuwaa wadanka gaalada soo geliyay. Maxaad wadanka gaalada kala soo doonteen oo aad dadka muslimiinta ahna aad ugu baabi’seen? Jawaabtoodu waa wadanka ayaan amnigiisa ku sugaynay gaaladaa IWM oo been iyo waxba kama jiraan ah.

 

Waxaase dhab ah qof walibaana uu garan karaa in nabaddii jirtay xilligii aad gaalada  wadanka soo geliseen aysan ebad soo marin Soomaaliya. Laakiin qof waliba oo raba inuu xumaantiisa qariyo magac qurxoon ayuu ku shaabadeeyaa. Waana middii uu Rasuulku SCWW uu inoogaga waramay inay imaan doonaan dad u bixiya waxyaabaha aan shareecada ku banaanayn magacyo wanwanaagsan si loo aqbalo. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:

 

إِِنََّ نََاْساً مِنْ أُمَّتِيْ يَشْرَبُوْنَ الْخَمْرَ يُسَمُّوْنَهَاْ بِغَيْرِ اسْمِهَا .

رواه أحمد / صحيح / الصحيحة / 414

 

Dad ummadayda ka mid ah ayaa cabi doona khamriga waxayna u bixin doonaan (oo ay Ku magacaabi doonaan) magaceeda magac aan ahayn.

 

Balse sida aad filayseen oo aad jeclaydeen Alle SW arinta kama dhigin. Qorshihiinuna wuxuu ahaa qof kasta oo astaan diineed leh in wadanka laga tir-tiro si inta hartana lagu yiraahdo kaalaya oo gaalada dhaantada u ciyaara kadibna Allow i bixi ay ka dhacdo. Waana muhimmada ugu wayn ee gaalo idiin soo maal gelisay, rag baase Alle SW tala saartay oo gaashaanka idiin daruuray.

 

Sidaad u lahaydeen waa afar wadad ee hala soo qab-qabto ayaa waxaa idinku dhacay wax aydaan fillayn. Siduu shaacirku yiri:

 

إذا رأيت نيوب الليث بارزة     فلا تظنن أن الليث مبتسم

Haddaad aragto miciyo libaax soo muuqda

Ha moodin libaaxu inuu dhoolla cadayn

 

In gaalada looga hiiliyo dad muslimiin ahna waa arin gaalnimo iyo diin  kabax ah. Siduu Allaah SW uu yiri:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51

Mu’miniineey haka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarada sokeeye ( Aad jeceshihiin )     ( Maxaa yeelay ) qaarkood qaarka kale buu xigaa, qofka ka yeesha sokeeye oo idinka idiinka mid ahna iyaguu ka mid yahay, Allana ma hanuuniyo dad daalimiin ah     ( oo gaaloobay )

 

Sh. C/Casiis Ibnu-Baaz RC wuxuu aayadan kala soo dhex baxay fatwo aad cabiri karto fiqiga Alle SW uu ku manaystay Sheekha RC wuxuuna yiri:

وقد أجمع علماء الإسلام على أن من ظاهر الكفار على المسلمين وساعدهم بأي نوع من المساعدة فهو كافر مثلهم كما قال تعالى: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51

فتاواه / 1 /274

Waxay ku ijmaaceen ( Oo ay ku kulmeen iskuna raaceen ) culimada islaamka ruuxii gaalada uga hiiliya muslimiinta ( Oo gaalada la jirsada ) isla markaana taageera ( kaalmeeya oo u gargaara ) nooc walaba oo kaalma ah ( Af, adin ama dhaqaale ) qofkaasi waa gaal iyagoo kale ah      ( Gaalka uu taageerayo iyo isaga taageerayaba waxba kuma kala duwana oo waa isku mid ). Kadibna aayadii buu akhriyay sheekhu RC.

Waana fatwadii uu cuskaday Sh. Albaani RC kolkii Wax laga waydiiyay dagaalkii khaliijka ee ciraaq lagu duulayay 1990kii wuxuuna yiri fatwadan toosan ee sh Ibnu-Baaz waxaa laga qaadanayaa laba arin midood. Wuxuuna yiri sheekhu RC:

إما أن يكون الذين استعانوا بالكفارليسوا مسلمين ، وإما أن يكون المستعان بهم هم من المسلمين.

أشرطة الشيخ / 461

In kuwa kaalmaystay gaalada ( kuwaa uu sheehku sheegayana waa xukuumada sucuudiga ) aysan muslimiinta kamid ahayn, ama kuwa la kaalmaystay (  Oo ah Ameerikaan Iyo Ingiriis ) ay muslimiinta kamid yihiin ( Labadaa arimood waxba kama dhaxeeyaan )

Waliba Sh. Naasir wuxuu intaasi raaciyay: Hadduusan muwaalaadkii  lagu gaaloobaayay uusan midkaan ahayn, maba jiro muwaalaad lagu gaaloobo. Haddii Alle idmana fatwadii oo dhammaystiran kitaabka dhexdiisa ayaad ugu tagi doontaa.

Xattaa haddii ay hadda soo islaamaan Ameerikaan iyo Ingiriis u shafeeca qaadimayso xukuumadaa Sucuudiga marka miisaan la saaro fatwada sh.  Naasiru-Diin Albaani RC, maxaa yeelay shardigu wuxuu ahaa kolkii ay kaalmaysanayeen Ingiriis iyo Ameerikaan muslimiin ma ahaayeen labadaa dowladood ee kufaarta ah? Jawaabtu waa maya. Sidaa darteed ma naqaan meel qiil looga raadiyo xukuumadaa uu ridada ku xukumay Sh Albaani RC. Taana kama dhalanayso in ay shacabka xukuumadaa hoos tagta ay gaaloobeen sida khawarij ama takfiiriyiin qolada loo yaqaan ay tiraahda oo kale:

إذا كفر الراعي كفرت الرعية

Hadduu xaakimku gaaloobo bulshada uu xukumaana way la gaaloobi

Waxaa sidoo kale horay u daliishaday Ibnu-Xazam RC aayadaa inay ijmaac tahay qofka gaalo taageera oo muslimkana ka hiiliya. Wuxuuna yiri Sheekhu RC:

صح أن قوله تعالى :  ومن يتولهم منكم فإنه منهم :  إنما هو على ظاهره بأنه كافر من جملة الكفار , وهذا حق لا يختلف فيه اثنان من المسلمين  / المحلى / 11/138

Sida saxda ah waa in aayadaa daahirkeeda loo daayo ( Oo aanan waxba laga leexinin tafsiirkeeda ) Maxaa yeelay ( Waxay aayadu tilmaamaysaa qofkaa gaalada ka wali yeeshay inuu yahay ) gaal duu-duub ahaan usoo hoos galaya gaalada ( Oo iyaga gaalada ah ka tirsan ) Waana xaq ay laba muslimiinta kamid ah aysan isku khlaafin.

Sh Muxammad Axmad Shaakir RC baa sidoo kale fatwo ku dhisay isla aayadaasi:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ / المائدة / 51

Wuxuuna soo saaray Risaalo uu ku magacaabay:

كلمة الحق

Kalimaddii Xaqqa Ahayd

Risaaladaa uu ku caddaynayay dadka lasocday  ingiriiska iyo faransiiska oo xilligaa masar iyo buldaan kale oo muslimiin leedahayba duulaan ku ahaa inay diinta ka baxeen. Wuxuuna Sheekhu RC uu Risaaladiisa ku yiri:

 

أما التعاون مع الإنجليز, بأي نوع من أنواع التعاون, قلّ أو كثر, فهو الردّة الجامحة, والكفر الصّراح, لا يقبل فيه اعتذار, ولا ينفع معه تأول, ولا ينجي من حكمه عصبية حمقاء, ولا سياسة خرقاء, ولا مجاملة هي النفاق, سواء أكان ذلك من أفراد أو حكومات أو زعماء. كلهم في الكفر والردة سواء, إلا من جهل وأخطأ, ثم استدرك أمره فتاب واخذ سبيل المؤمنين, فأولئك عسى الله أن يتوب عليهم, إن أخلصوا من قلوبهم لله لا للسياسة ولا للناس.

In la kaalmaysto Ingiriiska nooc walba oo kaalmaysi ah ha yaraado ama ha badnaado waa diin kabax aad u daran, iyo gaalnimo cad, aanan aqbalaynin cudurdaar, aanan anfacaynin tafsiir ( khalad ah oo aad adigu ka fahantay ) kumana badbaadayo qofka ay ku xambaartay qabyaalad doqonnima ah, iyo siyaasad indha la’aan ah, mujaamalo ( isjeclaysiin aan waxba ka jirin ) oo munaafaqad ah, waana isaga mid arinkaa qof-qof ama dawlado, ama madax ( noocuu doonno ha ahaado, sida madaxda qabaailka ama xukuumadda ) dhammaantood gaalnimada iyo diin kabixiduba way u siman yihiin, oo aan ka ahayn qofka jaahilka ka ah ee khaladamay kadibna isdaba qabtay ee tawbad keenay kadibna qaaday jidkii mu’miniinta kuwaasu waxaa suurowda in Alle  uu ka tawbad aqbalo haddii ay Alle u khaalis yeelaan quluubtooda oo aysan ka ahayn  mid siyaasad ku dhisan ama dad ku raali garayn. Wuxuu intaa sii raaciyay:

 

Waliba Sheekhu RC wuxuu aad uga waaniyay muslimiinta rag iyo dumarba inay ogaadaan kuwaa gaalada soo raacay ay xaasaskii kala furmeen oo halkaasi nikaaxoodii uu ku buray wax ka dhaxeeyaana ma jiraan haday ahaan lahayd nasab iyo dhaxal midna kama dhexeeyaan. Qofkase tawbad keena oo iyaga kamid ah isla markaana cadawga la dagaalama ummadana u gargaara wali isuma ahaanayaan reer is qaba ilaa la sameeyo nikaax cusub. Iyo waliba inay iska hubiyaan inta aanay guursan inuu kamid yahay qoladaa la tuuray ee ridoday. Wuxuu kaloo sheegay Sheekhu RC haddii qof dumar ah ay ku raali noqoto sidaana xaas ugu ahaato iyaduna way raaci oo diinta way ka bixi. Alle baan nabad waydiisanaynaa. Fatwadaa iyada oo dhammaystiran waxaan kusoo guurin doonaa haddii Alle idmo isla kitaabkan gudihiisa. Inta yare ee aan idiin soo koobayna waa tan hoosta ku qoran. Qofka dheeraad rabaana websaydyada soomaalida baan u diray hadda ka hor qofkii rabaana xagaa haka raadsado maqaalka aan ku magacaabay: Way Gaaloobeene Kala Guura.

 

ألا فليعلم كل مسلم وكل مسلمة أن هؤلاء الذين يخرجون على: دينهم ويناصرون أعدائهم, من تزوج منهم فزواجه باطل بطلانا أصليا, لا يلحقه تصحيح, ولا يترتب عليه أي أثر من أثار النكاح من ثبوت نسب وميراث وغير ذلك. وأن من كن منهم متزوجا بطل زواجه كذلك, وأن من تاب منهم ورجع إلى ربه وإلى دينه, وحارب عدوه ونصر أمته, لم تكن المرأة التي تزوج حال الردة, ولم تكن المرأة التي ارتدّ هي في عقد نكاحه: زوجا له ولا هي في عصمته وأنه يجب عليه بعد التوبة أن يستأنف زواجه بها, فيعقد عليها عقدا صحيحا شرعيا, كما هو بديهي واضح.

 

ألا فليحتط النساء المسلمات, في أي بقعة من بقاع الأرض, وليتوثقن قبل الزواج من أن الذين يتقدمون لنكاحهن ليسوا من هذه الفئة المنبوذة الخارجة عن الدين, حيطة لأنفسهن ولأعراضهن, أن يعاشرن رجالا يظنونهم أزواجا وليسوا بأزواج, بأن زواجهم باطل في دين الله.

ألا فليعلم النساء المسلمات, اللائي ابتلاهن الله بأزواج ارتكسوا في حمأة هذه الردة, أن قد بطل نكاحهن, وصرن محرمات على هؤلاء الرجال, ليسوا لهن بأزواج, حتى يتوبوا توبة صحيحة عملية, ثم يتزوجوهن زواجا جديدا صحيحا.

ألا فليعلم النساء المسلمات, أن من رضيت منهن بالزواج من رجل هذه حاله, وهي تعلم حاله, أو رضيت بالبقاء مع زوج تعرف فيه هذه الردة: فإن حكمها وحكمه في الردة سواء.

ومعاذ الله أن ترضى النساء المسلمات لأنفسهن ولأعراضهن ولأنساب أولادهن لدينهن شيئا من هذا.

Sidoo kale haddii aad u fiirsato gabayadii Sayid M. C/lle Xasan RC ee uu ku kufri xukumayay qolooyinkii raacay ee ka garab dagaalamayay Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaad garan kartaa in uu ku xukumay aayaadan aan soo sheegnay iyo kuwa lamidka ah. Waxaana gabayadiisii kamid ahaa:

Nin aqdaamo Faranjiya, maantiyo abuurin  Ama aaladda u sida, ama awrtaba u rara  Ama arigaba u qala, ama laba ugaarsada  Ama uba ilaala ah ama uurka kala jira  Ashahaado beeniyo, islaannimo ha lagu dhaqo  ILaahayna nama oran, anna ma ogolaan karo

Sayidku RC dad Soomaali gala-raac ahayd buu ku xukumay inay gaaloobeen wuuna ku jihaaday umana kala soocnayn iyaga soomaalida ah iyo kuwa ay raaceen, waxayna ukala ahaayeen gaal cad iyo gaal madow.

Sayidka RC oo isticmaarka ku jihaaday wixii raacay isticmaarka ee daba dhilif u ahaana intuu moorada islaamka ka saaray oo ku yiri: Gaalo baad tihiin   lana jihaaday,  soomaali aad bay u qadirisaa ilaa maantana wanaagiisa waa la xusaa intaa iyo in ka badana wuu inaga mudan yahay  sayidka RC waliba soomaalidu taalo bay u dhiseen, waxaase layaab leh raga hadda cadawga wadanka soo galay ka dhiidhiyay ee halganka kula jira maxay Soomaali u qadarin la’dahay?. Haddaad ku andacoon lahaydeen nimankan dadka bay gaalaysiiyaan, haddii uu arinku sidaa yahay sow tuu sayidkuba RC uu gaalaysiiyay nimanka gaalada la saftay. Waxaan shaki lahayn Sayidka RC iyo raga hadda halganka kula jiraba iskama aysan gaalaysiine xujo iyo baraahiin cad-cad bay u haystaan arintaa, waxaadna ogaataa islaanimadu ma’aha xabag kugu dhegan oo aan kaa fuqayn ee waa inaad ogaataa in sida ay waysada u jabto oo kale islaamnimadana u jabi karto haddii aad la timaado wax buriya islaamnimadaada.

Waxaan shaki lahayn in Soomaalidii hore ay ahaayeen dad aan runta ka war wareegin soomaalida waqooyi iyagu wayba kasii xag jireen xaga saraaxada waxaana taa kuu caddaynaya, mar ay diinta ka baxday haweenay da’ ah oo u dhalatay goboladaa waqooyi xilligii iticmaarka, ayaa kolkii ay dadku maqleen inay haweynaydaasi gaalowday halkii ay ka baroordiiqi lahaayeen bay waxay yiraahdeen: Alla maxay islaamka foolxumo kala dhex baxday!   Haddana  isaga oo qofku la taagan gaalnimo cad ayaa maro islaam oo been ah la huwinayaa. Waana arinta uu la yaabay saxaabigii jaliilka ahaa Xudayfa Ibnul-Yamaan RC kolkuu la yaabay dad  gaalnimo ku dhaqmaya muslimnimana loo wato ayaa wuxuu yiri:

الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ اللهِ صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.

Munaafiqiinta maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan munaafiqiintii joogtay xilligii Rasuulka SCWW.

Kolkaa bay waydiiyeen sababta? Kolkaa buu ugu jawaabay:

إنَّ أولاء كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ يُعْلِنُوْنَ / رواه البخاري.

Kuwaa ( Munaafiqiinta ahaa ee joogay xilligii Rasuulka SCWW ) way qarsan jireene, kuwanise wayba caddaysteen.

Waqtigii ay saxaabo noolayd buu layaabanaa Xudayfa RC. Hadduuse maanta ina arki lahaa Xudayfa RC waxa aan ku sugan nahay moorada yaa ku hari lahaa?.

Sh Muxammad A. Rooble ( Boqol-Soon ) RC wuxuu yiri: qof aan muslim ahayn ma islaamin karno.

Alle SW wuxuu inoo caddeeyay inay munaafiqiintu ay had iyo goor dhaqan u tahay inay gaalada is xejiyaan oo ay jeclaadaan  sokeeyana ka dhigtaan:

تَرَى كَثِيرًا مِّنْهُمْ يَتَوَلَّوْنَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لَبِئْسَ مَا قَدَّمَتْ لَهُمْ أَنفُسُهُمْ أَن سَخِطَ اللّهُ عَلَيْهِمْ وَفِي الْعَذَابِ هُمْ خَالِدُونَ / المائدة / 80

Waxaad arkaysaa qaar badan oo iyaga ( Munaafiqiinta ) kamid ah inay gacal ( Iyo xigto ) kayeelanayaan kuwa gaaloobay, Waxaa baas lahaaday waxa ay naftoodu u hormarisay ee ah carra Alle oo dushooda ku dhacda                         ( Maalinta khiyaamana ) cadaabka dhexdiisa ay ku waarayaan.

Kadibna Alle SW wuxuu inoo caddeeyay in gaalada ay waliga ka dhigteen ay daliil u tahay inaysan mu’miniin ahayn. Wuxuuna Alle SW uu yiri:

وَلَوْ كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاء / سورة المائدة/81

 

Haddii ay ahaan lahaayeen ( Munaafiqiintu ) kuwo rumeeyay Alle iyo Nebiga   SCWW iyo wixii lagu soo dejiyay ( Ee waxyi ah ) gaalo gacal kama yeesheen.

 

Sheikhul-Islaam Ibnu-Taymiyah RC wuxuu kala dhex baxay aayadan:

 

فدل على أن الإيمان المذكور ينفي اتخاذهم أولياء ويضاده ، ولا يجتمع الإيمان واتخاذهم أولياء في القلب—إلخ / كتاب الإيمان / 13

 

Aayadan waxay tusinaysaa in iimaanka la sheegay uu anfinayo                  ( uu Diidayo ) ka yeelashada ay gaalaga gacal ka yeesheen wuuna ka hor imanayaa ( IImaanka ), kumana kulmaan iimaan iyo in gacal laga yeesho      ( gaalo ) qalbiga

 

Rasuulkuna SCWW wuxuu yiri:

 

إنا لا نستعين بمشرك .

Ma kaalmaysano Gaal

رواه أحمد وغيره عن عائشة / صحيح / الصحيحة / 1101

 

Waliba Rasuulku SCWW wuxuu u diiday rag doonayay inay ka dhinac dagaalamaan iyagoo aan muslimiin ahayn ilaa ay ka islaamaan wuxuuna ku yiri Rasuulku SCWW:

 

إنّالا نَستَعينُ بالمُشركينَ عَلَىْ الْمُشْركِيْنَ)

 Uma-kaalmaysano gaal gaal kale.

 

رواه أحمد والبخاري في التّاريخ/ عن خُبيب بن يساف / صحيح.

الصحيحة / 1101 / وصحيح الجامع / 2292

 

 

Kol haddiiba la diiday in gaal loogu kaalmaysto gaal kale sidee bay suurtogal ku noqon kartaa in gaalo loo kaalmaysto oo lagula duulo si loo dhibaateeyo dad Muslimiin ah.

 

Dad badan baa waxaa ka dhaadhacsan inaan marnaba diinta loogaga baxayn si walba oo aad gaalada u daba orodo oo aad ula jaan qaado. Taasoo ay ula jeedaan mar haddaad xerada islaamka soo gasho inaadan gaaloobi Karin si walba oo aad gaalnimo ugu dhacdo. Allana SW wuxuu inoo caddeeyay haddaan gaalada warkooda yeelno inay ina gaalaysiinayaan:

 

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوَاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقًا مِّنَ الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ كَافِرِينَ /  سورة آل عمران/100

 

Mu’miniineey haddii aad adeecdaan (Aad yeeshaan oo aad aqbashaan baadilkooda) koox ka mid ah Yuhuud iyo nasaaro waxay idiin celin doonaan iimaankiinna dabadii gaalnimo.

 

Waliba wuxuu Alle SW uu inoogu bayaaniyay aayad dhexdeed inaysan marnaba ka suulaynin inay nala dagaalamayaan ilaa ay ina gaalaysiiyaan hadday awoodaan:

 

وَلا يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّى يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ إِنِ اسْتَطَاعُوا وَمَنْ يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُوْلَئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ وَأُوْلَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ.

البقرة / 217

 

Kama suulayaan inay idinla dagaalamaan ilaa ay dib idinka celiyaan diintiina hadday karaan, qofka idinka mid ah ee diintiisa ka laabtana ee ku dhinta gaalnimo kuwaasi way burtay acmaashoodii adduun iyo aakharaba, kuwaasina waa ehlu naar, dhexdeeda bayna ku waarayaan.

 

Rasuulkuna SCWW wuxuu inoogaga waramay in ummadiisa dad badan oo kamid ah ay gaaloobi doonaan. Siduu xadiis dhexdii ku Yiri:

 

‏ ولا تقوم الساعة حتى تلحق قبائل من أمتي بالمشركين، وحتى تعبد قبائل من أمتي الأوثان،

رواه أحمد وغيره / صحيح / الصحيحة / 1683

 

Dhicimayso Saacadda  ( Qiyaamaha ‏) ilaa ay haleesho qabaail ummadayda kamid ah gaalada, walibana ay caabudo qabaail ummadayda kamid ah sanamyada.

 

Sidoo kale Imaamu Tabaraani RC ayaa wuxuu warinayaa in saxaabigii jaliilka ahaa abuudardaa RC in uu saxaabada Rasuulka SCWW uu ka maqlay xadiis kadibna wuxuu u yimid Rsuulka SCWW kolkaa buu Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:

 

قلت يا رسول الله زعموا أنك قلت : سيكفر قوم بعد إيمانهم قال : أجل ولست منهم

رواه الطبراني في الكبير

Waxaan  iri Rasuul Allow waxay sheegteen ( Saxaabadii RC ) inaad tiri: Bulsho dhan baa gaaloobi doonta iimaankooda dabadii. Wuxuu Rasuulku SCWW uu yiri: Haa adiguse  kamid ma tihid

Riwaaya kale oo xoojinaysa xadiiskaasina waxay leedahay:

 

ليكفرن أقوام بعد إيمانهم / رواه ابن عساكر عن أبي الدرداء

Wallee waxa gaaloobi doona bulshooyin dhan iimaankooda dabadii

 

Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:

 

وَالّذِيْ نَفْسِيْ بِيَدِهِ مَاالإيْمَاْنُ إلا كَالْقَمِيْصِ يَتَقمَّصُهُ مَرَّةً وَيَضَعُهُ مَرَّةً أُخْرَىْ.

رواه أبي بكر الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40

 

Allihii Naftayda Gacantiisa Kujirtaan Ku Dhaartaye iimaanku Ma’aha oo aan ka ahayn sida Qamiiska oo Kale, uu marna xirto marna uu iska siibo.

 

رواه أبي بكر الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40

 

Iskaba daa in gaalo lasoo geliyo wadamada muslimiinta si ay u qabsadaan ee waxayba culimadu ka digeen in loo ogolaado wadamada islaamka gaar ahaan Jaziiratul-Carab kuwa gaalada ah ee ku andacooda hawl iyo wax soo-saar baynu u joognaa IWM. Maxaa yeelay Rasuulku SCWW wuxuu yiri:

اليهود والنصارى من جزيرة العرب حتى لا أدع إلا مسلما لأخرجن

رواه مسلم عن عمربن الخطاب

Wallee waan ka saari yahuud iyo nasaaraba jaziradda Carabta ilaa aan ka tagin muslim mooyaane.

1347 Hijriyadii oo ah muddo hadda laga joogo 82 sano maadaama aan hadda ku jirno 1429 Hijriga ayaa culilmadii xilligaa joogtay waxay ka war heleen in boqor C/Caziiz Al-Sucuud oo ahaa boqorkii Sucuudiga ee xilligaa uu damacsan yahay in uu la galo heshiis sharikado ay gaalo leedahay oo soo saarta shidaalka kadibna waxay u direen bayaan ay ku xaqiisanayaan arintaa iyo fatwo ay ku caddaynayaan inay xaaraam tahay in Jaziiratul-Carab meel kamid ah aan manaba loo ogolayn qof gaal ah inuu soo galo. Haddii Alle idmana fatwadii oo sideeda u qoran isla markaana af-Soomaali ku tarjuman iyo masdarka aan kasoo qaatayba kitaabka gudihiisa ayaad ugu tagi doontaa iyo fatwooyinka culimada kale ee isugu jira culimadii hore ee safka, kuwo dhexe iyo kuwa xilligeenna ahba.

Sidoo kale Sh C/Caziiz Ibnu-Baaz RC iskaba daa gaalada iska leh sharikadaha booba hantida muslimiinta ee wuxuuba ka digay shaqaalaha aan muslimiinta ahayn ee ka shaqeeya guryaha, iskuulada IWM. Fatwadaa oo qoran iyo masdarkeeduba kitaabka ayaad ugu tagi doontaa haddii Alle idmo.

Sidoo kale Sh. Naasiru-Ddiin Al- Albaani RC markuu sharxayay xadiiskii Rasuulka SCWW ee lafdigiisu ahaa:

سَتَكُوْنُ مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ رواه أحمد/ صحيح / الصحيحة / 1885

Waxaa jiri doonta macaadin (sida dahabka, shidaalka IWM ) ay soo saari doonaan dadka kuwa ugu sharka badan).

 

Ayaa Sheekh Naasir RC wuxuu ku yiri silsalatu-saxiixa:

 

وَمِمَّاْ لا شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ هُمْ الْكُفَّْاْرُ، فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله ُالْمثسْتَعَاْنُ.

 

Waxaan shaki lahayn inay kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna SCWW

wuxuu tilmaamayaa waxa lagu ibtileeyay muslimiinta maanta joogta taasoo ah inay keenaan Yurubta iyo Ameerikuba buldaantooda Carbeed, si ay ula soo baxaan macaadintooda iyo khayraadkooda Allaah baana ah mid lamagan galo.

 

Waxaa sidoo kale isagana ka dhiidhiyay sheekheena Shariif C/di-Nuur Xafidahullaahu wacaafaah, markii ciidamadii gaalada ahaa ee UNISOM ay imanayeen Soomaaliya 1992kii iyagoo kusoo gabbanayay dadka abaaraha ay aafeeyeen baan quudinaynaa ayuu sh. Shariif C/di-Nuur XFL  wuxuu dadku ku booriyay in aan lasoo dhawayn gaaladaa mucaawanada kusoo gabbanaysa, wuxuuna qabtay muxaadaro uu ku magacaabay:

 

لا مَرْحَبًا بِهِمْ إِنَّهُمْ صَالُوا النَّارِ /  سورة ص /59

Soo dhawayn maleh ehlu-naarka

 

Waana tii uu ka shirbay Abshir bacadle Allaha Dhowree markuu arkay cunto mucaawano lagu sheegay oo hub iyo ciidanna ay garab socdaan. Kolkaa buu wuxuu yiri:

 

Ganley Gaduuda Waan Gartee

Garnayl Miyow Goosaar Noqdaa

 

Sidaa bayna culimada iyo wax garadkuba weligood ahaayeen oo wixii khatar ah ee kusoo fool leh umadda intaynan dhibaatadaa ku dhicin bay uga digi jireen. Maxaa yeelay iyaga ayaa ugu fiira dheer in la garto khatar walba oo ummada loo maleego. Waana sida uu yiri Al-Imaam Xasan Albasri RC:

إذا اقبلت الفتنة عرفها كل عالم , وإذا أدبرت عرفها كل جاهل

Goorta ay soo qaabisho fitnadu waxa garta caalim kasta, marka ay fitnadu ( dhacdo ) oo ay dhabar jeedisana waxaa garta qof kasta oo jaahil ah

 

Kolka warkoodii la yeeli waayayna waxa hadda socda ee dulli iyo dan dara  ah baa umadda ku habsaday.

 

Markii ay gaaladu kusoo duushay muslimiinta iyaga oo kaashanaya kuwo muslim ku sheeg ahna culimadu waxay qaateen mamawaaqif cad-cad oo ka tarjumaysa dhiiranaantooda iyaga oo dhaqan gelinaya adillada kusoo aroortay ee aan kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo fara badanba ee mamnuucaysa gaala daba orodka iyo kusoo hogaaminta wadamada muslimiinta, umaddana u caddeeyay in gaala u hiilintu ay tahay diin kabax.

 

Su’aal

 

Culimadii xilkoodii waa ay guteen ducaada masaajidda haysataa maxaa helay. Masaajidadii iyo kutubtiiba way inoo dhan yihiine maxaa looga hadli la’yahay arintan iska cad ee qof walbaaba uu fahmi karo qatarteeda?.

 

Wadaadadu waqtiga ay u hayaan inay kaga waramaan suufiya iyo wixii lamid ah, kuwa soo geliya wadamada islaamka gaaladana laga warwareegto maxaa daliil ah oo aad u haysaan?

 

Shaki maleh inaad ku sifowdeen ninkii la oran jiray Abul-Calaa Al-Macari. Wuxuu noolaa xilligii cabaasiyiinta ayaa wuxuu aaminsana waxyaabo hadda waxa loo yaqaano faylisoofnimada. Waxyaabihii uu aaminsanaana waxaa kamid ahaa, in aan xoolaha la qalin maxaa yeelay adiguba ma ogolid in lagu qasho, waxaa kaloo kamid ahaa in digaaga aan ukunta laga cunin maxaa yeelay waxay u dhashay ukuntaa inay ilmo ka hesho. Sidoo kale in loo daayo xoolaha caanahooda, maxaa yeelay waxay ugu tala gashay in dhasheedu u cabto, wuxuu kaloo oran jiray, haddii aakharo la tago ilaahay waxba I waydiin maayo maxaa yeelay anigu ma guursan sidaa darteed waxa caalamka ka dhacaya ee dagaalo iyo dhiig daatayba waxa la waydiin doonaa inta guursatay ee wax dhashay. Kadib wuu xanuunsaday waxaana lagu yiri: waa inaad digaag cuntaa haddii kale wad dhimanaysaa, waxa sidaa ku lehna waa dhaqtarkii dawaynayay. Kolkaa buu diiday. Kadib baa lagu celceliyay inuu cuno digaagaddaa,  kadib wuu ogolaaday oo wuxuu yiri ii keena, markii loo keenay buu wuxuu billaabay in uu lahadalo digaagaddii oo shiilan oo hortiisa taala. Wuxuuna ku yiri digaagaddii:

 

استضعفوك فوصفوك ، هلا وصفوا شبلي الأسد

Way ku yaraysteenoo kolaa bay ku ishaareen, hadday run sheegayaan may ishaaraan ilma libaax

 

Maxaa yeelay way ogyihiin ilma-libaax inaan lasoo qaban Karin si walba uu daawo u noqdo.

 

Wadaadada waxaa u sahlan inay maanta oo dhan suufi la cayrsado kuwa ka daran ee gaalada wadanka soo geliyayna laga warwareego. Su’aashaasi jawaabteeda idinka ayaan idiin daayay maxaa yeelay waan ku wareeray.

 

Waxaan walalaha war gelinayaa inay fasax idiin tahay oo aad ka koobi-garaysan kartaan walaalaha kalena aad gaarsiin kartaan idinka oo xifdinaya maadaama uu ku qoran yahay kalaamkii Alle SW iyo Axaadiistii Nabiga SCWW iyo fataawada culimada ay kasoo qaateen kitaabka iyo sunnaha.

 

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.    

W/Q: Cali-Daahir X Muxammad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here