Home Afsomali Ganacsatada Gobolka banaadir oo isku heysata cidii gudoomin laheyd rugta ganacsiga Soomaaliyeed

Ganacsatada Gobolka banaadir oo isku heysata cidii gudoomin laheyd rugta ganacsiga Soomaaliyeed

Xili ay garabyo u kala qeybsan yihiin ganacsatada Gobolka banaadir ayna sameysteen laba gudoomiye oo kala matalaya labada garab ee ay u kala qeybsan tahay rugta ganacsiga Gobolka banaadir ayaa kulan ay yeesheen mid ka mid ah garabyadaan waxaa ay soo saareen bayaan ku aadan in la sameeyeyo hogaan ay ku wada midaysan yihiin

Bayaanka ayaa lagu qeexay sida ugu macquulsan ee ay talo wadaag ku noqon karaan lammana oga sida ay ku aqbali doonaan garabka kale oo lagu eedeeyey ku tagri fal iyo wax isdabamarin

Bayaan  ka soo baxay Xafiiska rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir  ee Magaalada Magaalada Muqdisho ayaa lagu faafiyey in  Shirweynaha Rugta Gancsiga  dhawaan lagu qaban Magaalada Muqdisho

Anagoo ah Madaxda Qaybaha kala duwan ee Suuqyada Banaadir, Shirkadaha kala duwan,  Waxaa Noo Muuqata in Doorashada Gudoonka  Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ee la doonayo in dhawaan la qabto in aysan ku socon sidii Saxda ahayd .

Hadaba si ay u noqoto Doorasho Xalaal ah kana Tarjumeysa qaybaha kala duwan Ganacsiga wadanka isla markaana haysata aqlabiyada Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa Muhiim ah in aan lagu deg degin , lagana dhowro Doorashada wax kasta oo Fashilaad Sabab u noqon kara

Hadaba waxaa Muhiim ah in marka hore la helo Dastuur iyo Nidaam la  isla ogol yahay oo laga maarmaan u ah Sharciyadeeda Rugta Gaqncsiga

Marka la helo Dastuur Sax ah ayey dhici kartaa Doorasho Xalaal ah ayna ka soo bixi karaan  Hogaan Xalaal ah oo matela Gaanacsatada Soomaaliyeed

Waxaa Cad sida hada Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Somaaliyeed ay u maamuleyso  Howsha Doorashada aysan ahayn sax taasoo weliba Khatar ku ah Sumcada , Sharciyada , Hogaanka iyo Cida ay Mataleyso Rugta Gannsiga Spomaaliyeed.

Waxaan Soo Jeedineynaa In la qabto Gudi Gancsato oo matela Dhamaan Ganacsatada Soomaaliyeed

in  la derso , la saxo , lana dhameystiro Dastuurka iyo Xeeraraka Rugata Gancsiga.

In Dooorashada ay Maamulaan Gudi ama shaqsiyaada aan damac kala hayn in iyaga la doorto si looga hortago Xaglin Dano gaar ah

oo sheegey in in arrintaan ay Gaarsiyeen

Bayaanka  waxaa si wadajir ah isku raacey Gudoonada  qaybaha Ganacsiga ee Hoose ku saxiixan

Is qabqabasiga iyo khilaafaafka hareeyey qeybaha kala duwan ee ganacsatada ayaa sababatay in ay ka gaabiyaan wax u qabashada ganacsatada waxaana dhawaan dabkii ka kacay suuqa bakaaraha oo ay ku gubatay hantidii ugu badneyd ebed ee dab ku qabsado  suuqa Bakaaraha oo qiimo ahaan la sheegay in ay gaareyso $4-Million.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.