Musharaxa Maryan Cariif Qaasim ayaa goor dhow ku guuleysatay doorashada xubnaha aqalka hoose ku metelaya maamulka Galmudug ee ka socota magaalada Cadaado.
Guusha Maryan Cariif ayaa ka dambeysay ka gadaal markii ay u tanaasushay Shamso Cumar Axmed oo aheyd musharaxii la tartamayey.
Ergooyinka Beesha Cabdalle Sebti oo ka tirsan beesha Murusade ayaa ka dib Maryan Cariif keligeed cod bixin u qaaday, waxayna heshay codad gaaraya 45-cod..
Maryan Cariif Qaasim ayaa ka mid aheyd xildhibaanadii hore ee baarlamanka Somalia, waxaana mar labaad u suurashay iney ka mid noqoto baarlamanka cusub ee shaqeyn doona afarta sano ee soo socota.
Kursiga ay ku guuleysatay Maryan Cariif ayaa ka mid ah afar kursi oo ka tirsan aqalka hoose ee Galmudug kuwaasoo saaka doorashadoodu ay ka socoto magaalada Cadaado.
Dhanka youtube ka linkiga hoose
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0