Home Afsomali Naciima Maxamed Gacal oo mar kale ka mid Noqotay Xildhibaanada golaha baarlamaanka...

Naciima Maxamed Gacal oo mar kale ka mid Noqotay Xildhibaanada golaha baarlamaanka doorasho ka dhacday Cadaado ( DAAWO SAWIRADA )

naciima-maxamed-gacal

Naciima Maxamed Gacal oo aheyd xildhibaanka ugu da’da yareed baaramaanka Soomaaliya ee waqtiiisu dhamaaday ayaa saakay mar kale loo doortay in ay kamid noqoto Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaaka Soomaaliya.

Doorashada Aqalka hoose ee goordhaw ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa waxaa ku tartamayay Xildhibaanad Naciima Maxamed Gacal iyo Sahra Xaaji Maxamed Cente.

Guddiga doorashooyinka dadban ee Heer maamul goboleed ayaa shaaciyay in Naciima Maxamed Gacal ku guuleesatay doorashada kadib markii ay tanaasushay sida ay shaaciyeen Musharaxii la tartamayay ee Sahra Maxamed Ceynte.

Xildhibaanad Naciima Maxamed Gacal ayaa heshay 45-cod, waxaana halaabay hal cod kaliya, waxaana sidaasi loogu doortay Naciimo Maxamed Gacal oo kazoo jeeda Beesha MUrusade Foor Culus Daguuro in ay kamid noqoto Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Waxaa Xusid mudan in Naciima Maxamed Gacal ay kamid aheed Xildhibaanada ugu saameynta badnaa Baarlaaankii waqtigiisa dhamaaday, waxa ayna xubin ka aheed Baarlamaanka Jaamacada Carbta.

Xildhibaanad Naciima ayaa aheed Xildhibaanadii ugu da’da yareed Baralamaankii waqtigiisa dhaaaday, waxa ayna Naciima Baarlamaankii hore kuso biirtay iyada oo jirta 26-sano , waana Gabar dhalin yar oo ada ugu ololeysa Dhalinyarada Soomaaliyeed.

naciima-maxamed-gacal1 naciima-maxamed-gacal2 sanduuqa-murusade sanduuqa-murusade3

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.