Deeqo Diraac oo Maxkamadda Ciidamada ay horay ugu Xukuntay 10 Sano oo Xabsi ah ka dib racfaan ay ka qaadatay loogu bedelay xabsi 15 sano ah ayaa Xanuun ugu dhimatay Xabsiga dhexe ee Muqdisho.
Waxaa isbitaalka ku yaala Xabsiga Dhexe ee Xamar ku Geeriyootay Deeqo Diraac Geeddi oo ku xukuneed xabsi 15 sano ah kadib markii lagu helay dambiga ah in ay dileen iyada iyo rag kale Marxuum Nafiso Cusmaan Salaad oo ahayd gabar ardayad aheyd.
“Maxkamadda waxaa u caddaatay in Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa iyo Deeqo Diraac Geeddi ay yihiin dambiilayaal galay dambiga lagu soo oogay, waxayna Maxkamadda ku Xukuntay 1. Xasan Maxamuud Cali Salmaan iyo Shaafici Cabdi Xirsi Shaataa waxay ku raacday Xukunkii Maxkamadda darajada koowaad ee ahaa dil toogasho, Maxkamaddu waxa ay baabi’isay xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad ay ku xukuntay Deeqo Diraac Geeddi ee ahaa 10- sano waxa ayna ka dhigtay xabsi 15 sano ah ” sidaas waxaa yiri 29-kii bishii june sanadkii 2014-kii Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur oo xiligaas xukunka lagu riday warbaahinta u aqriyay.
Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in deeqa doraac geedi ay isku daldashada qolkii ay xabsiga kaga jirtay in kaata oo aan arintaa aanay jirin cid saxaafada u xaqiijisay.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view