Guddiyada Miisaaniyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku howlan ka soo tala bixinta warbixinta iyo xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhammaaday 31 December 2022-ka, ayaa kulankoodii koowaad ee waajib gudashada ahaa ku yeeshay Villa Hargaysa.
Kulanka wadajirka ah ee labada guddi oo uu shir guddoominayay Guddoiyaha Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Mudane Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer ayaa lagu jadwaleeyad shaqada guddiga, iyagoo sidoo kale dulmar guud ku sameeyay warbixinta Xisaab xirka Miisaaniyadda iyo habraaca ay u marayaan.