Dhawaan rag katirsan Ciidamada macwisleeyda Gobolka Hiiraan waxaa ay weerar ku qaadeen qoys ku sugnaa degaanka Abooreey dagmada Bulo-burte ee Gobolka Hiiraan, iyaga oo dilay mid kamid ah dhalinyarada qoyska mid kalena dhaawacay, kuwaas oo uu dhalay Sarkaal katirsan Al-Shabaab.
Hayeeshee Maalmod kadib waxaa falkaasi si kulul uga hadlay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, isaga oo sheegay in isagu uu horay u sheegay in la beegsado hoggaamiyeyaasha & raga katirsan Al-Shabaab, balse ay tahay khalad in la dilo dad Shacab ah.
Waxaa uu sheegay in ay dambi tahay in la dilo xaasaska iyo carruurta Shabaab ee aan dagaalka ku jirin, balse la beegsan karo qoryaha raga wata ee katirsan Al-Shabaab ee dagaalamaya.
“Dembiga anigu aan la imaaddo annaa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto.” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte.
Ug dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa digniin u diray dadka cadeystay falalka dilka Shacabka ah, isaga oo iska fogeeyay in isaga lagu dabaqo dhacdadii labada Wiil ee walaalaha ahaa mid lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay.