Home Afsomali Guddoomiye degmo oo xilkii laga qaadey lana xiray

Guddoomiye degmo oo xilkii laga qaadey lana xiray

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii degmada Shibis C/raxmaan Sayid Cali, kaasoo lagu xiray xarunta CID.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa ku socda baaritaan la xiriira musuq maasuq ka dhashay amar degmada ku soo rogtay guryaha oo ku aadan warqad diiwaangelin guri kasta qoysaska degan oo la sheegay in laga qaadayay gurigiiba lacag, taasoo aanay aheyn mid guud oo degmooyinka oo dhan quseysay, balse ahaa arrin u gaar aheyd degmada Shibis oo aanan ka warqabin Maamulka Gobolka Banaadir.

Arrimaha ugu weyn ee xilka looga qaadey Guddoomiyihii degmada Shibis ayaa waxaa la sheegay inay  tahay Cabasho ay Shacabka gudbiywen kadib markii Maamulka uu kusoo rogay lacag lagu sheegay diiwaangelin taas oo saacadihii la soo Baraha Bulshada aad looga hadal haayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u xirtay Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimihii Waaxda maaliyadda ee Wasaaradda,iyaga oo lagu eedeeyey falal la xiriira musuq maasuq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.