Home Afsomali Haweeneyda caalamka ugu da’da weyn xiligan oo la shaaciyey

Haweeneyda caalamka ugu da’da weyn xiligan oo la shaaciyey

Kane Tanaka, oo ah qofka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhawaan jirsatay da’da 119 , sida laga soo xigtay farriin ay Twitter-ka soo dhigtay gabadh ay ayeey u tahay oo lagu magacaabo Junko Tanaka.

Kane oo u dhalatay dalka Japan waxay dhalatay sanadkii 1903, waxaana guursaday nin mehrad ganacsi ku lahaa dalkaas, waxay markii dambe ka shaqeyn jirtay mehradda ganacsi tan iyo markii ay gaartay da’da 103.

Gabadha ay ayeeyada u tahay ayaa baahisay sawirka dhalooyinka cabitaanka shirkadda Coca cola oo xusuus ahaa kuwaas oo haweeneydan la siiyay mar loo dabbaaldegayay dhalashadeeda, waxaana dhalooyinka lagu xardhay magaceeda iyo da’deeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.