John Mahama Madaxweynihii hore ee dalka Gaana ayaa noqon doona sida ay xoguhu cadeynayaan Wakiilka rasmiga ah ee gaarka ah ee Midowga Afrika ugu xilsaaran doorashooyinka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u dalbaday in Midowga Afrika ay dhexdhexaadiye ka noqdaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya. Mahama ayaa xilka Ghana ugu sareeya qabtay, 24 July 2012, wuxuuna wareejiyey 7 January 2017, Todobaadkan ayuu noqon doonaa Ergay gaar ah oo Midowga Afrika ugu xilsaarnan doona Is fahamsiinta dhinacyada Soomaalida oo isku haya doorashooyinka.