Home Afsomali Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka oo lagu qabtay...

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada Ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka oo lagu qabtay Hotel Doorbin ee Magaalada Muqdisho (DAAWOSAWIRAD)

 

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka golaha wasiirada ee dar-dar gelinta qorshayaasha qaranka oo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

Shirka oo loo qorsheeyay in uu socdo maanta iyo berri ayaa maanta dib loogu eegayay qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.

Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa soo gudbiyay waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.

Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan berri kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.

—DHAMMAAD—-

281A3980
6Z0A8954
281A4044
281A4012
6Z0A9035
281A3995
281A3985
281A4099
281A4109

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.