Home Afsomali Laascaano maxaabiis in la dilo ku xukuneyd oo xabsiga lagala baxay

Laascaano maxaabiis in la dilo ku xukuneyd oo xabsiga lagala baxay

Wasiir ku xigeenka Wasaarada cadaalada Maamulka Soomaaliland Yuusuf Ciise oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 3 ruux oo xabsiga Magaalada Laas-caanood ku jirtay lagala baxay xabsiga, isagoo sidoo kale sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka Maamulka Soomaaliland, loona baahan yahay in ay u midoobaan shacabka iyo Dowladda sidii dadkaasi looga hortagi lahaa.

Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Maamulka Soomaaliland ayaa tacsi udiray dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magaalada laas-caanood, isagoo dhanka kalena caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay rabshadahaasi.

3 COMMENTS

Leave a Reply to Roda Ahmed Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.