Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta oo Jimce ah shaaciyay lix kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Kuraastaan ayaa kamid ah 13 Kursi ee guud ahaan kuraasta taalla Koonfur Galbeed uga harsan, waxaana lixdaan kursi doorashadooda ay dhaceeysaa todobaadkaan Beri bilaabanaya Gudihiisa, waxaana ay kala yihiin.
1: Hop#261 oo uu ku fadhiyo Cabduqaadir Xasan Sheekh Aadan.
2: Hop#167 oo uu hadda ku fadhiyo Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.
3: Hop#168 oo uu ku fadhiyo Xasan Macalin Xuseen.
4: Hop#099 oo ay ku fadhiso Deeqo Xuseen Xasan.
5: Hop#077 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Isgowe Deerow Isaaq.
6: Hop#186 oo uu ku fadhiyo Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale).
Inta badan degaannada dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadka Beri bilaabanaya ay ka dhacaan kuraas farabadan oo Golaha Shacabka ah si loo soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka ka hor 15 Bishaan.