Home Afsomali Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo xalay ka ambabaxay dalka

Madaxweyne Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo xalay ka ambabaxay dalka

https://youtu.be/AwlAvTaNDyQ

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka  lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa  gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka  Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta, ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa ay ku sii jeedaan dalka Aljeeriya.

Dhowaan ayey aheyd markii Wasiirka Warfaafinta Dalka Algeria Maxamed Buu Saleymaani uu Madaxweynaha soo gaarsiiyey dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Algeria Mudane Cabdulmajiid Tamuun kaasoo ku saleysnaa marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo saacadaha soo socda ka furmaya dalka Algeria.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal iyo farriin aqbalaad ah u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaasoo ku saabsanaa iskaashiga diblumaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.