Dalka Mareykanka ayaa diiwaangeliyay 1,997 oo geeri cusub ah iyadoo ay dadkan ay u geeriyoodeen Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Tirada dadkaan ayaa ka dhigeysa guud ahaan dhimashada 40,661, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganayso Jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ee johns Hopkins.
Iyada oo tiro intaas ah ay saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeriyoodeen Mareykanka ayaa hadana waxaa dalkaas ka dhacay Dibadbax ay dadku ku dalbanayeen in Hoggaanka Gobollada ay dib u furaan dhaqaalaha loo xiray cudurka safmarka ah ee coronavirus awadii.
Isu-soo-baxyo kale ayaa la filayaa inay ka dhacaan gobollada Arizona, Colorado, Montana iyo Washington kaddib markii kuwa kale ay ka dhaceen ilaa lix gobol.
Waxaa kamid ahaa Boorarka ay dadku wateen kuwa ay ku qornaayeen “Waxaan dooneynaa in uu soo dhamaado Bandowga”.
Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo in xadidaadaha la khafiifiyo, walow laga cabsi qabo in halista cudurka Covid-19 ay soo laba kaclayso haddii xilli dhaw dib loo furo ganacsiyada.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa taageero u muujiyay dadkaasi dibadbaxayay.
Mareykanka ayaa wadar ahaan diiwaan galiyey 761,964 kiis oo la xaqiijiyay iyo 70,337 oo soo kabanaya tan iyo markii uu biloowday cudurkaan aafada ah.