Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano ( AFRIOM) ayaa waxaa lagu faah faahiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaaradaha mareykanka ay la beegsadeen Saldhiyo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla degaanka teedaan ee Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la kaashanayo Ciidamada dowladda Soomaaliya taliska Maraykanka ee Afrika uu qaaday 14-kii Bishaan weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab oo kusoo weeraray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed meel u dhow degaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.
“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 13 ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana aanay jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada dhimashada dadka rayidka ah oo ay ka geystaan Soomaaliya.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2022 dib u bilaabay duqeymaha diyaaradeed oo uu ka fuliyo Gudaha Soomaaliya lana beegsado Saldhigyada Al-Shabaab, kuwaas oo u hakaday ammar uu bixiyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka intii uu talada hayay ee Donald Trump.